Soomaaliga, af Soomaali: Open Bible Stories

Updated ? hours ago # views See on DCS

19. Nebiyaashii

Frame 19-01

Dhamaan tariikhda reer bini israa’iil. Ilaahay nabiyaal ayuu u so diray. Nabiyaashaasi farinta aay Ilaah ka maqlan ayeey u so gudbin jireen dadka aay u yihiin nabiga.

Frame 19-02

Eliiyaah marku ahaa nabiga waxa boqorka guud ee reer Israa’iil aha Ahaab. Ahaabna waxa uu aha nin xun oo aan xaqa ku dhaqmin oo dadka ku dhiiri geliya inay cabuudan asanaamta beenta aha oo id lagu magacabi jiray Baal. Eliiyaah waxa uu Ahaab ku yiri, “ Roob ma imaan doono ama tiix tiix ilaa aan anigu idha mooye, “ tani waxay ka cadhaysiisay Ahaab.

Frame 19-03

Ilaahay wuu Eliiyaah ku ammray inu duurka isku qariyo oo meel biya maareena u dhow. Subax kaste iyo habeenkastana shimbiro ayaa waxay u keenayeen nabi Eliiyaah rooti iyo hilib. Ahaab iyo ciidankiisi waxay raadinayeen nabi Eliiyaah, laakiin may helin isaga, abaara aad u daran ayaa dhacday xatta marki danbe meeshi biya mareenadii ayaa engaagey.

Frame 19-04

Kadib Eliiyaah waxa uu tagay dalalkii jaarka ahaa eek u dhawa. Gabadh caramalaa iyo wiilkeedi ayaa waxa ka dhamaaday rashiinkii waayo abaarta darted, Laakiin aad ayeey u xanaaneyeeyn, kadib Ilaahay ayaa aad uu u qudiyeey reerki oo burka iyo saliida kama dhamaan jirin jiri kankooda. Raashin ku filan ayeey haysteen intii abaartu socotay oo dhan. Eliiyaah in badan ayuu la joogay iyaga.

Frame 19-05

Saddex sano iyo badh markay ka so wareegtay marku Ilaahay Eliiyaah ku yiri ku laabo wadankii Reer bini Israa’iil oo la hadal Ahaab maxa yeelay roob ayuu keenaya mar labaad. Marku Ahaab arkay Eliiyah ayuu ku yiri, “ waakan ninki dhibta keeni jiray!” Markaasu Eliiyaah ku yiri, “ Adiga ayaa nin dhib badan aha! Adigu Ilaahay ayaad rumaysan ladahay, Ilaah xaqa lagu aammino, waxanad u cibaadaysata sanamka Baal. Keen dhamaaan dadk Reer Israa’iil buurta karmaal.”

Frame 19-06

Dhamaan Reer Israa’iil oo aay ku jiraan 450 nabiyaashi sanabka Baal u adeegi jiray , ayaa yimid buurta Karmaal . Eliiyaah ayaa dadkii ku yirim “ intee in leeg ayaad maskaxdiina badali doontan? Hadii Ilaahay ku runta yahay, isaga u aadeegaa! Hadii Sanamka Baal yahay Ilaahay, isaga u aadeega!”

Frame 19-07

Kadib Eliiyaah ayaa ku yiri nabiyaashi beenta aha ee Baal. “ neef dibiya qala oo u diyaariya wanqal ahaan, laakin wax dab aha ha diyariniina. Aniguna sido kale. Kadib qolada uu Ilaahay dab u diyariyo ayaa aamminsan Ilaaha xaqa ah,” Kadib nabiyaashi beenta aha ee Baal ayaa neefki qalay oo isku diyariyeey hawashi wax dabana may shidin.

Frame 19-08

Kadib nabiyaashi beenta aha ee Baal waay tukaadeen iyagoo baryaay Baal oo leh, “ na maqal, baalow!” Maalintii oo dhan waay tukanayeen oo xatta iyaga ayaa midiyo isku jaray laakiin Baal waxaba kama jawaabin.

Frame 19-09

Markay maalintii dhamatay, ayuu Eliiyaah diyaariyeey alle barigii Ilaahay. Kadib Ilaahay ayaa laba iyo tobon caag iyo biyihii iyo hilibkii iyo xabaadii dhamaan ilahay samada uga so diray.

Frame 19-10

Kadib Eliiyaah ayaa Ilaahay baryeey, “ Ilaahayow, Ilaahi nabi Ibraahim, Isaaq iyo Yacquub abuurayow, na tus maanta inaad tahay Ilaaha xaqa aha ee Reer bibi Israa’iil oo aan anaa ahay adeegahagii. Ilaahow fariin iso dir aay dadkani ku cimra qaatan kuguna rumaystaan inaad adigu tahay Ilaaha xaqa.”

Frame 19-11

Isla markiiba Ilaahay ayaa samada ka so dejiyeey hilib gubanayaa, xaabo iyo dhagaxan iyo meelihi Ilaahaa lagu baryay oo dhan, Markay dadkii arkeen , dhulka ayeey ku daateen waxanay yirahdeen, “ Ilaahay ayaa sareeya! Ilaahay ayaa sareeya!”

Frame 19-12

Kadib Eliiyaah ayaa wuxu yiri, “ Dadkoow yaanu nebi beena oo u aadeega Baal meeshan ka baxasaniin!” dadkii waay qabqabteen dhamaantood. Kadibna Eliiyaah ayaa dhamaantood dilay.

Frame 19-13

Kadib Eliiyaah waxa u ku nyidhi boqrkii Ahaab, “ ku laabo magalada , roob ayaa iman doone.” Isla markiba cirka ayaa madoobaday oo roob ayaa yimid, Kadib Ilaahay abaarti wuu ka dul qaaday dadki waxanu muujiyeey inu yahay Ilaaha runta ah.

Frame 19-14

Kadib Eliiyaah, Ilaahay wuxu doortay Eliishaa inu noqdo nebi. Eliishaa mucjisooyin badan ayuu sameeyey Ilaah dartiis. Waxa kamid aha markii Naamaan oo ah taliye cadawga Ilaah oo qabay xanuunka maqarka oo aad u daran uu maqlay nebi Eliishaa una tagay isaga oo weydisanayaa in uu caafiyo. Kadib Eliishaa ayaa ku yiri todobo jeer webiga Urdun gal.

Frame 19-15

Ugu horayntii Naamaan aad ayuu uga cadhooday warkii uu Eliishaa u sheegay waayo waxay ula muuqatay inay tahay doqonimo. Laakin masakaxadiisii ayuu badalay oo todobo jeer ayuu webiga gal. Marku ugui danbeyntii ka so baxay waxa uu arkay maqarkiisii oo bogsaday. Ilaahay ayaa caafiyeey.

Frame 19-16

Waxa jirey nabiyaal badan dhamaantood waxay dadka u sheegi jireen inay joojiyaan inaay cabuudan asnaabta oo aay cadalad iyo naxariis dadka u mujiyaan.

Frame 19-17

Inta ugu badan, dadku ma ma maqlaan ammarka Ilaahay. Waxay xumeeyaan nebiyada looo so diro oo aay marmarka qaarkood dilaanba. Mar ayaa waxa dhacday in nebi Yeremaah inta lagu riday ceel qalalan ayaa halkaas lagaag tagay markaas ayuu halkaas ciidu liqi gaadhay laakin boqorkii ayaa ka naxay oo ka so saaray inta aanu dhiman.

Frame 19-18

Nebiyaduu waxay si joogta ula hadli jireen Ilaahay inkasto aay dadku necbaayeeen. Waxay uga digi jireen in Ilaahay baa’biin doono haadi aaysan tobad keenin, Xatta waxay dadka ugu balan qaadi jireen in Masiixa Ilaahay iman doono.

Qoralkani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska: Boqorraddii Kowaad 16-18; Boqorraddii Labaad 5; Yeremyaah 38